Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay Qarax xalay ka dhacay suuqa Bakaraha, kaasoo ka dhashay waxyaabo la dhigay agagaarka, Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu soo rakibay gaari gacan la dhigay kasoo horjeedka Shirkadda Amal ee Bakaaraha, una dhow shirkadda Hormuud, iyadoo si weyn looga maqlay gudaha suuqa Bakaaraha iyo degaanada u dhow.
Qaraxa oo dhacay xilli ay dadku aad ugu yaraayeen goobtaasi ayaa geystay qasaare hal qof oo dhaawac ah, wuxuuna burbur u geystay dhismayeyaashii ka dhowaa halkaasi, iyadoo aysan jirin cid sheegatay Mas’uuliyadda oo dhacay saqdii dhexe waqti ku dhow.
Ciidamada Amniga Muqdisho ayaa goobta gaaray iyadoo baaritaan ku sameeyay, mana jirin cid loo qabtay qaraxa, waxaana su’aalo badan la iska weydiinayaa ujeedka qaraxaasi loo geeyay suuqa ugu weyn iyo xarumaha ganacsiga.
Waa qaraxii labaad oo loo adeegsado in lagu qariyo Gaari-gacan, taasoo iyadana ah xaalad ku cusub qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.