Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabab oo la dilay iyo Magaciisa oo la shaaciyay

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in howlgal Ciidanka xoogga dalka ka sameeyeen duleedka Marka lagu dilay Horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo labo maleeshiyo la socotay.

Ciidanka loogu magac daray Guutada 14-ka October oo bishii hore la wareegay magaalada Marka ayaa howlgalka ka qeyb qaatay

Horjoogaha la dilay ayaa lagu magacaabayay Xuseen Macalin (Mujaahid Zubeyr), kaasoo ka mid ahaa saraakiisha howlgalada u qaabilsanaa Marka iyo hareeraheeda.

Xaalada magaalada Marka ayaa ah mid degan, waxaana socda howlgalada lagu xaqiijinayo amniga magaalada oo ay ka wadaan Ciidanka Guutada 14-ka October.

Dagaalamayaasha Shabaab ayaa habeen hore soo weeraray fariisimaha ciidamada xoogga dalka ku lahaayeen agagaarka magaalada Marka.