Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug oo xilkii laga qaaday

Waxaa goordhaw xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay xilkii ka qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaankooda Cali Gacal Casir kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Dhuusa Mareeb.

147- ayaa la sheegayaa in ay xaadirtay kulanka  iyadoo 146 kamid ah ay codeeyeen xilka qaadista gudoomiyaha

Cali Gacali Casir ayaa ku sugan Muqdisho waxaa uuna saaka u ambabaxay Magaalada cadaado.

Waxay ahayd maalin kahor markii 89-xildhibaan oo Galmudug ah ay mooshinka ka gudbiyeen.