Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Wafdiga Guddoomiyaha ayaa waxa qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo kamid ah kuwa isaga garabka la ah,waxaana lagu wadaan in Saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Cadaado.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir iyo xunaha Xildhibaanada ah ee la socda ayaa Cadaado u tagaya sidii Waxgaradka Galmudug ay ugala hadli lahaayeen Mooshinka ka dhanka Guddoomiye Cali Gacal Casir oo ay wadaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa qaban qaabada lagu soo dhaweeynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,waxaana ka qeyb qaadanaya soo dhaweyntiisa maamulka Galmudug ,Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Cadaado.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo ku shiray Dhuusamareeb,kuwaasi oo Mooshin ka gudbiyay Guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa sheegay in toban maalin gudahood uu kaga soo jawaabo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug mooshinka laga gudbiyay