Koonfur Galbeed oo hakisay xiriirkii ay la laheyd dowladda Federaalka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeyn in  iyaga  oo tixraaceya shirkii magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay Sabtidii  inay hakisay xiriirkii wada shaqeyneyd ee kala dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay magaalada Baydhabo kulan ay  ku yeesheen golaha wasiirada maamulkaasi, kaasi oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Koonfur Galbeed ayaa dhammaan shaqaalaha wasaaradaheeda ku wargelisay in aysan wax wada shaqeyn ah la sameyn karin dowladda federaalka Soomaaliya ilaa amar dambe.

Hoos Ka aqriso warsaxaafadeed ka