Dowlad Goboleedyada oo diiday ka qeybgalka shirkii u Madaxweyne Farmaajo ku baaqay

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa diiday ka qeybgalka shirka AMniga Qaranka ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wasiirka Qorsheynta Jubaland Aadan Aw-Xirsi oo waraysi siiyay idaacada maxaliga ee Mustaqbal ayaa sheegay  in dhamaan Xubnaha Dowlad Goboleedyada aysan ka qeybgeleyn shirkaas.

Waxaa uu sheegay in Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ay isaga u igmadeen in uu u hadlo sidaasna ku diideen ka qeybgalka shirka.

Waxaa uu wax aan sax ahayn ku sheegay in iyaga dhan Xamar looga yeero sidaasna ku tagaan,waxaana uu xusay in ay aragtidooda qaateen islamarkaana Madaxda dowladda dhexe marka hore garowsato walaacooda.

Shirka Golaha Amniga ayuu Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay in uu Muqdisho ka dhacayo 17 ilaa 18ka Bisha September.

8 Bishan War Murtiyeed ay ka soo saareen SHirkii Kismaayo ayey Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ku sheegeen in ay ku hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe ee Soomaaliya.