Hay’adda Nabadsuggida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa shaacisay inay hawlgal qorsheysan oo ciidamadeeda ka fuliyeen Muqdisho in lagu soo qabtay xubno ka tirsan Shabaab.
Hawlgalka oo aan la sheegin goobta uu ka dhacay aya qoraal kooban oo NISA kasoo baxay lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo qabten xubno Shabaab ah oo maleegaayay fulinta qaraxyo iyo dilal qorsheysan.
“7da Sabtembar, hawlgal ayaa ciidanka amnigu ku soo qabteen koox Al-Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fuliyaan, Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada argagixisada ah ayagoo khatar ku ah shacabka.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
Hay’adda NISA ayaa bilowday inay qoraalo kooban ku baahiso barteeda Twitter-ka howlgallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Alshabaab, iyadoo aan faafhaahin dheeraad bixin.