Ciidamadii itoobiyaanka ahaa oo isaga baxay magaalada Dhuusamareeb

 

Waxaa lagu soo waramayaa in maanta magaalada dhuusamareeb ay iskaga baxeen ciidankii ugu badnaa ee itoobiyaanka ahaa oo in muddo ahba ku sugnaa halkaas hadana ay magaaladu tahay mid ay ka talinayaan maamulki awalaba horay u joogay ee Ahlu-sunna.

wararku waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ayaa isla maanta ka gudbay xadka gobolka Galgaduud , iyagoo galay degaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Maalmahan dambe ayaa ciidamada Itoobiya waxay wadeen Qorshe ay uga baxayaan qeybo ka mid ah magaaloyinka ay ka joogaan Soomaaliya.

Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemayaa cabsi ku aadan in xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Galgaduud ay soo weeraraan.

Todobaad ka hor ayey aheyd markii ciidamada Itoobiya ay sidoo kale baneeyeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay joogeen muddo sadex sano ah.