Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarshe” ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socday dawladda Mareykanka, waxaana ay kawada hadleen dib u dhiska ciidanka iyo arrimo kale.
Si gaar ah ayaa labada dhinac waxay uga wada hadleen siddii dawladda Mareykanka ay ciidanka Xoogga dalka uga taageeri laheyd xoreynta dalka, Tababarka Ciidanka , is dhaafsiga qibadaha dhanka ciidanka iyo qodobo kale.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa waxa uu dawladda Mareykanka ugu mahadceliyay taageerida iyo tababarada ay siinayaan ciidanka Xoogga dalka,waxaana uu ugu baaqay in ay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dawladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha sida gaarka ah Soomaaliya uga caawiya dhanka tababarada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed