Doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka oo maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ka dhaceysa doorashada mid kamid ah kuraasta baarlamaanka oo banaan, kaasi oo musharixiin badan ku tartamayaan.

Kursiga loo tartamayo waxaa 19 bishii Agoosto ee sanadkaan baneeyay C/qaadir Gaafow Maxamuud oo iska casilay xilka xubinnimada baarlamaanka Soomaaliya.

Gelinkii dambe ee shalay waxaa magaalada Dhuusomareeb gaaray C/llaahi Gaafow Maxamuud Taliyihii hore ee Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo NISA oo doonaya inuu ku guuleysto kursiga uu baneeyay walaalkii C/qaadir Gaafow.

Doorashada maanta ayaa waxaa la filayaa inay dhacdo, maadaama shalay la dhameeyay diiwaan gelinta ergada doorashada ka qeyb galaysa iyo xubnaha korjoogtada ah.

Doorashadan ayaa sida uu qorshaha yahay waxaa goob joog ka noqon doona Guddiga Doorashooyinka, Wasiiro ka tirsan Galmudug, Maamulka Gobolka kan Degmada, Ururada Bulshada Rayidka iyo Warbaahinta.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran waddooyinka ku dhaw goobta ay doorashada ka dhaceyso, si looga hortago arbushaad dhacda inta lagu guda jiro Doorashada.