Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa sheegay in dhawaan lasoo Afjari doono Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Sare ee maamulka Galmudug.
Carabey waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay in la xaliyo Khilaafka Madaxda maamulka Galmudug.
Sidoo kale Waxaa uu sheegay in la dhameeyay Khilaafka intiisa badan, islamarkaana dhawaan heshiis ay kala saxiixan doonaan.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa hadda ku sugan Magaalada Caabudwaaq, halka Madaxweyne Xaaf uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb.
Khilaafka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka dhashay qaabkii loo Maray isku darkii Galmudug iyo sidoo kale maamulka Ahlusunna.
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in lasoo Afjaray Khilaafkii Madaxda Sare ee Galmudug haddanna, waxaa la isku khilaafay sidda loo qorayo Heshiiska la gaaray sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.