Soomaali ka baxsatay Xabsiyo ku yaal dalka Libya kadib dagaal culus oo dalkaas ka dhacay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo shalay ka dhacay magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, kaasi oo u dhaxeeyay laba jabhadood.

Dagaalkan ayaa intuu uu socday wuxuu sababay inay xabsiga ka baxsadaan Soomaali badan oo ku xirneyd xabsiyada dalka Liibiya, kuwaasi oo dambiyo kala duwan loo heystay.

Masuuliyiin ka tirsan dalka Liibiya ayaa waxa ay sheegeen inay baxsadeen Maxaabiistii Soomaaliyeed ee ku jirtay xabsiyada kala ah Tariqu Mataar iyo Salahu Diini, kuwaasi oo ilaa hadda aanan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin.

Safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub Danjire Ali Saciif Faqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka wuxuu ku sheegay in dhalinyaradii ku jirtay xabsiga Ain Zara ay weli meeshooda ku jiraan, laakiinse ay baxsaan maxaabiis kale oo xabsiyo kala duwan ku jirtay,

Wuxuu sheegay Ambassador Cali Faqi in qaar ka mid ah dhalinyarada ay yimaadeen safaaradda, islamarkaana ay safaaradda ka shaqeynayso in dhalinyarada meel la isugu keeno.

“Waxaa dhamaan waalidiinta dhalinyarada ku xiran xabsiyada Libya la ogeysiinayaa in dagaal culus uu ka dhacay magaalada Tripoli, dhawr xabsi oo Soomalida ku sugneed ayaa irida loo balaqey, waxay safaarada ka shaqeynaysaa in dhalinyarada meel la isugu keeno”. Ayuu yiri Danjire Cali Faqi.

Soomaali badan ayaa ku xiran xabsiyada ku yaalla dalka Liibiya, intooda badan waxaa loo heystaa falal la xiriira burcad badeednimo, dowladda Soomaaliya ayaa dhawr mar dalka keentay maxaabiis, welina waxaa socda hawlo lagu soo daabulayo maxaabiista ku xiran dalka dibaddiisa.