Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya wafdi qarsoodi ah oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo qaar ka mid ah Waddooyinka magaalada ay xiran yihiin.
Dadka Muqdisho ayaa saaka ku waabariistay waddooyin dhowr ah oo xiran, waxaana lagu arkay Ciidamadii Xasilinta oo waddooyinka taagan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wafdiga soo gaaray Muqdisho ay yihiin wafdi Sirdoon oo aan si rasmi loo ogeyn dalka ay ka socdaan, hase ahaatee la hadal haayo inay yihiin Sudan iyo Qatar midkood.
Wararka ayaa intaa ku daraya inay xiran tahay wadada Daljirka Dahsoon illaa nawaaxiga Xarunta Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad loo adkeeyay.