Kulan ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa ay Xasaanadii ugu qaadeen Madaxweynihii hore Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo toddobo xubnood oo ka tirsanaa Baarlamaanka.
Baarlamaanka ayaa u cuksaday Xil ka qaadistooda kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu sheegay in Cadaaladda la hor geynayo Xubnihii ku lugta lahaa Rabshado horaantii bishaan ka dhacay Magaalooyinka Jigjiga Dirir dhabo.
Waxaana Xabsi ku yaalla Magaalada Addis Ababa ku jira Madaxweynihii Dowlad Deegaanka Ismaamulka Soomaalida itoobiya iyo Xubnaha Xanaasadda laga qaaday, waxaana lagu wadaa in lagu Maxkamadeeyo Magaalada Addis.
Mustafa Maxamed Cumar Cagjar oo ah Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida ayay XIldhibaanada Codka Kalsoonida siiyeen.
Waxaana inta kulanka uu socday lagu baabi’iyay Degmooyin iyo Gobolo uu horay u sameeyay Maamulkii Madaxweyne Cabdi Maxamuud, waxa ayna dib u dhigeen ka go’aan gaarista isbadalada uu soo bandhigay Madaxweynaha Kalsoonida ay maanta siiyeen.
Baarlamaanka ayaa sheegay in ay Xasaanadda ka qaadi Doonaan Cid waliba oo ku lug yeetalo Tacadiyo ka dhacay Itoobiya, inta uu Maamulka Hayay Cabdi Maxamuud Cumar iyo Rabshadihii xigay ee Maalmo kahor dhacay.
Xubnaha Xasaanadda Waayay ayaa loo heystaa in ay Ciqaabi jireen Maxaabiista Arrimaha Siyaasadeed u xiran iyo Xubnaha Jabhadda ONLF.