Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta ku wajahan Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegay in uu doonaayo in uu qanciyo dad Shacab ah oo maalmihii lasoo dhaafay rabshado ka waday Magaalada, kuwaasoo kasoo horjeedda maamulka Jubbaland.
Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo waxaa shalay ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday xubno Wasiiro ah oo gaaray magaaladaasi.
Banaanbaxan ayaa yimid kadib markii garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaarey ay gaareen Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aw Xirsi iyo Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Jubbaland Xirsi Gaani.
Banaanbaxan ayaa waxaa horkacayay masuuliyiinta degmada iyo saraakiisha ciidamada, iyadaoo wadooyinka magaalada ay isugu soo baxeen dadweyne fara badan, kuwaasi oo ka soo horjeeda Wasiirada.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu waddaa in uu la kulmo bulshadda kunool Magaalada Garbahaarey.