Rasaas xalay ka dhacday bandhig faneed Muqdisho lagu qabtay iyo dad ku waxyeeloobay

Show ay ka qeybgaleen ku dhawaad 800 qof ayaa xalay ka dhacay hotelka Royal Plza ayna dhigayeen fanaaninta Suldaan Seeraar iyo Xariir ayaa mar uu dhax marayo waxaa is qabsaday qolada nabadgelyada iyo dhalinyaro .

Xabado aya dhacay wararka waxeey sheegayaan in dhalinyaro loo diiday iney ku ciyaaraan tiyaatarka ay xaalada ka bilaabatay kadibna ay rasaasta sidaas ku dhacday

Sarakil police ah oo gudaha joogta aya Warbaahinta u sheegay in qof uu ku dhawacmay xabadihi dhacay balse goobjoogyaal aya sheegay in dadka dhaawacmay ay 2 qof ahaayeen.

Fanaaninta oo ka yimid dalka Itoobiya waxa ay u yimaadeen bandhigan iyagoo kaga yimid xaga Jigjiga .

Inta badan waxa Showdayada Muqdisho dhiga Fanaaniin Ku cusub Fanka waxaana Xiiseeya dhalinyaro aad u da’a yar oo aan awoodin in Qarashaadka ku baxa Qiimaha tikidyada.