Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay koormeeray xarunta dambi baarista ee CID ee degmada Hodan.
Koormeerka waxaa Ra’isal Wasaaraha ku wehlinaayay Wasiirka amniga gudaha, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, saraakiil iyo masuuliyiin kale.
Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa koormeeray dhamaan qeybaha ay Xarunta CID ka kooban tahay, sidoo kale waxa uu la kulmay saraakiisha xarunta oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan shaqada xarunta.
Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in isbadal weyn laga dareemayo xarunta CID.
Waxa uu sido kale sheegay in Wasaarada amniga iyo taliska booliiska ay ka shaqeeyeen sidii loo fulin lahaa amaraka Ra’isal Wasaaraha oo ah in isbadal iyo balaarin lagu sameeyo.
Booqashadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ee CID ayaa timid xilli ay ku xiran yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo Musuq maasuq loo heysto.