Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa shalay oo jimco aheyd dib ula wareegay deegaanka Af-urur oo qiyaastii ku dhowaad 70KM u jirta magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Taliye kuxigeenka ciidanka daraawiishta Puntland Jen. Cabdi Axmed Xaashi ayaa sheegay in ciidankooda aanay wax iska caabin la kulmin, lana wareegeen deegaanka Af Urur.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab oo bishii hore la wareegay deegaanka ay iska baxeen, kaddib markii ay ka war heleen dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Puntland.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa 20-kii bishii hore la wareegay deegaanka Af Urur oo ka mid ahaa deegaanada ugu dhimashada badnaa weeraradii ay ka geysatay Puntland.
Af Urur ayaa ku taal buuraleyda Golis, waxay 30KM dhanka Wadada Laamiga ee ka timaada Qardho ee Boosaaso aada, waxaana deegaankaas muhiim u yahay cid kasta inay ka ilaaliso wadada dheer ee laamiga isku xira Boosaaso illaa Garowe.