Shaqaale ka howlgalayay dhismaha darbiga Xadka Soomaaliya iyo Kenya oo la qarxiyay

Saddex ruux ayaa ku geeriyootay qof kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii gaari ay saarnaayeen oo marayay duleedka magaalada Mandheera uu dul maray miino lagu aasay dhulka.

 Qaraxan ayaa yimid markii gaari ay wateen qaar ka mid ah shaqaalaha ka howl-gala darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya uu dul maray Miino nooca Dhulka lagu aasa ah.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Mandheera Paul Kemei ayaa sheegay in dadka qaraxan wax ku noqday ay ahaayeen shaqaale nadiifinayay wado ku dhow xadka ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya.

Mr, Kemei, ayaa intaa raaciyay in qaraxan uu ahaa mid meesha lagu sii diyaariyay ay uga shakisan yihiin in ay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab.

Kooxda weerarkan wax ku noqotay ayaa la sheegay inaysan la socon ciidamo ilaalo ah, hase yeeshee Mr Kemei ayaa sheegay in ay baarayaan sababta shaqaalahan ay u socdeen iyadoo aan ilaalo lahayn.

Tan iyo markii dowlada Kenya ay ku dhowaaqday qorshaha ay uga dhiseyso darbiga xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo dalkeeda ayaa waxaa weeraro ugaga imanayay ururka Alshabaab.