Wararka laga helayo dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan degmada Dhagax-buur ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka Liyuu Boolis iyo Millatariga Itoobiya ay isku hor fadhiyaan halkaasi.
Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib xiisadii ka dhalatay sida magaalada Jigjiga looga waday Madaxweyne hore Cabdi Maxamed Cumar oo hada la soo sheegayo inuu xabsi guri ku yahay magaalada Addis Ababa.
Ciidanka Liyuu Boolis ayaa la sheegay inay ka gadoodeen qaabkii Ciidanka Itoobiya ay magaalada Jigjiga uga kaxeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana labadan dhinac ay yihiin kuwo is hor fadhiya.
Dhinaca kale waxaa caadi ku soo laabtay ganacsigii iyo isu socodkii magaalada Jigjiga oo todobaad marti gelisay xiisad colaadeed oo sababtay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.