War qoraal ah oo shalay ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Sacuudiga, islamarkaana ay ka soo horjeedo in fara gelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay sababtii ay ku taageertay dowladda Sacuudiga, waxaana u hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad.
Wuxuu sheegay Wasiir Cawad oo wareysi siinayay BBC-da inay Sacuudiga ku taageereen inaan arrimahooda gudaha aanan la fara gelin, si la mid ah sida ay arrimahooda gudaha ugu taageeri lahaayeen dalka Canada.
Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ka mid yahay Wasiirka aarimaha dibadda Axmned Ciise Cawad oo warqada taageerada ay ka soo baxday xafiiskiisa ayaa waxa ay heystaan dhalashada dalka Canada.