Ururka ONLF ayaa wuxuu ka hadlay magacaabista Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in isbedelkan uusan waxba soo kordhineyn.
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shalay gelinkii dmabe iska casilay xilkii uu hayay, wuxuuna xilkaasi ku wareejiyay Axmed Cabdi Maxamed (Ilkacase) oo ahaa Wasiirka Maaliyadda.
C/qaadir Xasan Hirmooge Cadaani Afhayeenka Ururka ONLF oo la hadlay warbaahinta Radio Risaala oo ku taal Muqdisho ayaa sheegay isbedelkan inuu ku yimid awood Millatari, sidaasi darteedna uusan soo kordhineyn wax weyn.
“Kolley ma qabo iney wax soo kordhineyso middan, sababtoo ah waxay ku timid cadaadiskii Milatariga, shaqsiga xilka qabtayna wuxuuba ka mid ahaa raggii wasiirada ka ahaa maamulkii Cabdi.” ayuu yiri Hirmooge.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa waxa ay qabaan hadii uu isbedel ku yimid hoggaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya in xaalada deganaansho ah la geli doono.