9 Ruux oo Jabuutiyaan ah oo lagu dilay diri-dhaba

Inta la xaqiijiyay  sagaal qof oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa ku dhintay isku dhacyadii qowmiyadaha ku salaysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, sida ay dad goob joogeyaal ah ay u sheegeen Warbaahinta.

Iskudhacyadaan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dilka dadka u dhashay Jabuuti ayaa timid ka dib markii dalka Jabuuti lagu dhaawacay Labo ruux oo Oromo ah.

 Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay in ay waddaan baaritaano dilka loo geystay dadka u dhashay Jabuuti.

Taliyuhu wuxuu sheegay in gacanta lagu dhigay dadkii weerarkaas qaaday.