Dowladda Hindiya ayaa ka hadashay Howlgalkii Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug ay ku soo badbaadiyeen 8 Badmaaxiin ah oo u dhashay dalka Hindiya.
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya Sushma Swaraj ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay Howlgalkan lagu soo badbaadiyay Muwaadiniin dalkaasi u dhashay, kuwaasi oo lagu heestay xeebaha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Sushma Swaraj ayaaa u mahadcelisay Dowladda Federaalka, Maamulka Galmudug iyo shacabka Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay soo badbaadinta 8-da Badmaaxiin.
Shalay ayay aheyd markii CiidamadaBooliska Galmudug ay ku guulaysteen inay soo furtaan Sideedan badmaaxiin oo u dhalatay dalka Hindiya, kuwaasi oo maalmihii dambe gacanta ugu jiray Burcad Badeeda Soomaalida ah
©Goobsan Media