Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in weerar Ismiidaamin ah uu goordhow ka dhacay Bar-koontorool ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.
Weerarka Ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday gaari nooca Soomaalida u taqaano HOMEYDA,waxana lala bartimaamed saday Koontorool ay ciidamada dowladda ku leeyihiin Wadada soo gasha degmada Afgooye,isla markaana kala qeybisa Wadooyinka Aada Magalada Baydhabo iyo Magalada Muqdisho.
Warar kale oo aan helnayna waxa ay sheegayaan in ismiidaamintaan lagu qaaday Xero ciidamada ay ku leeyihiin Wakaaladii hore ee Biyaha Degmada Afgooye oo ay degan yihiin ciidamo ka tirsan Militariga dowladda Federalka Somaliya
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ay arkeen dhimashada 6 ruux oo qaarkood ay Shacab yihiin iyo dhaawaca kuwo kale,isla markaana xaaladu ay tahay mid kacsan.