Daacish oo sheegatay dil Wadareed ka dhacay duleedka Muqdisho

Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda dil wadareed ka dhacay gelinkii dambe ee shalay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka Ceelasha Biyaha.

Dilkan oo ay fuliyeen rag hubeysan ayaa waxaa lagu fuliyay Saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, kuwaasi oo ku labisnaa dareeska ciidanka Millatariga.

Wakaaladda wararka u faafisa kooxda Daacish ee Al-acmaaq News ayaa lagu daabacay in weerarkaasi ay ka dambeysay kooxda Daacish, laguna dilay Saddex askari.

 Daacish ayaa sidoo kale warkan waxa ay ku sheegtay in ay kordhineyso beegsiga ay ku heyso saraakiisha iyo ciidamada ka tirsan dowlada federaalka.