Magaalada Garowe ee caasimadda mamulka Puntland waxaa galabta ka furmay shirka Golaha Wasiirada Soomaalya, kaasi oo looga hadlayo arrimo badan oo la xiriiira xaalada dalka.
Shirkan oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka iyo inta badan Golaha Wasiirada.
Kahor inta uusan shirkan furmin waxaa soo idlaaday shir kale oo lagu dhameynayay khilaaf siyaasadeed oo ka bilawday dhagax dhigga Dekada Garacad, waxaan kulankan uu dhexmaray Madaxweynaha Punttland iyo Wasiirada Soomaaliya ee ka soo jeeda Puntland.
Shirkan ayaa wuxuu noqonaya shirkii Labaad oo lagu qabto meel ka baxsan magaalada Muqdisho, kadib markii sanadkii hore sidan oo kale shirka Golaha Wasiirada lagu qabtay magaalada Kismaayo ee Jubbaland.