Waxaa xaalad deganaansho ah saakay laga dareemayaa magaalada Buuhoodle oo xalay fiidkii uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ahaa, kaasi oo uu fuliyay nin isa soo miidaamiyay.
Inta la xaqiijiyay qarxaasi waxaa ku geeriyootay ilaa Saddex qof oo ay ka mid ahaayeen Wasiirki hore ee arrimaha gudaha maamulka khaatuma Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Maxamed Cali oo la taliye u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Ninka is qarxiyay ayaa beegsaday gaari NOAH oo ay raaci rabeen masuuliyiinta weerarka ku dhintay, waxaana qaraxa uu si gar uga dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Masjidka Jaamaca ee magaalada Buuhoodle.
Masuuliyiinta magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay sheegeen in xaalad Bandow ah ay magaalada ku soo rogeen ilaa amar dambe, waxayna tilmaameen inay ku daba jiraan ragga falkan ka dambeeyay.
Madaxweyne ku-xigeenka Khaatuma Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) oo la hadlay Idaacad ku taala Muqdisho oo lagu magacaabo risaala ayaa waxa uu maamulka degmada ka dalbaday inay qaadan talaabo ay kaga jawaabayaan qaraxan.
Ciidan hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay xalay halkaasi ka sameeyeen hawlgal gaar ah oo ammaanka lagu xaqiijinayay, inkastoo aanay jirin cid lagu soo qabtay hawlgalkaasi.
Gacan ku heynta magaalada Buuhoodle waxaa isku bed bedela maamulada Khaatuma iyo Somaliland, iyada oo ilaa hadda aanay jirin cid si sax ah gacanta ugu heysa.
Waa qarixii ugu horeeyay nuuciisa ee ka dhaca magaalada Buuhoodle, waxaana aad u hadal haya dhacdadan dadka shacabka ah, sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta gobolka.