Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Qansax-dheere iyo Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay, halkaasi oo maalmihii u dambeeyay uu ka socday hawlgal wado furis ah.
Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelaay iyo saraakiil ciidan ayaa maalmahan dambe waxa ay kormeer ku sameynayeen degaano hoostaga degmooyinka Qansax-dheere iyo Diinsoor oo wadooyinka qaarkood ay jareen Ururka Al Shabaab.
Ciidanka dowladda iyo Koonfur Galbeed oo waday hawlgal wado furis ah ayaa waxa dagaal kala hor yimid xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, halkaasi waxaa labada dhinac ku dhexmaray dagaal khasaare dhaliyay.
Madaxweynaha mamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan amar ku bixiyay in ciidamada ay qaadaan dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab, si looga saaro degaanada ay ku sugan yihiin.