Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay kulankii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda ONLF ku dhexmaray Magaalada Asmara.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu kulan la qaatay Madaxda Sare ee ONLF, islamarkaana ay ka wada hadleen Xaaladda Soomaaliya iyo tan Geeska Afrika.
“Ugu horeyn madaxweynaha waxa uu kulan la qaatay hoggaanka sare ee ururka ONLF, kaas oo ahaa mid aan horey loo sii qorsheynin, markii aan halkaan nimid ayay noo yimaadeen, waana la kulanay, aad iyo aad ayaa loo soo dhaweeyay” ayuu yiri Wasiir Daahir Maxamuud Geelle.
Guddoomiyaha jabhadda ONLF Maxamed Cumar Cusmaan ayaa idaacada VOA u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu raaligalin ka siiyay falkii lagu dhiibay Cabdikariim Qalbi Dhagax.
Wasiir Daahir ayaa sidoo kale beeniyay in Madaxweyne Farmaajo uu raaligelin ka bixiyay dhiibistii Cabdirkariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.
Daahir Maxamuud Geelle oo Warkaan u sheegay BBC-da ayaa sidoo kale tilmaamay in kulanka uu ahaa Mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray Isbadallada ka socda Geeska Afrika.