Galmudug ayaa soo bandhigtay Badmaaxiin u dhashay Dalka Hindiya oo shalay laga soo badbaadiyay burcad Badeedda Soomaalida ah kuna heystay degaan u dhow degaanka Ceel-huur ee Gobolka Mudug.
Ajaaniintan Burcad badeeda laga soo bad baadiyay oo gaaraya 8 nin ayaa lagu wadaa in lagu weerjiyo dowlada Hindiya loona dhoofiyo dalkooda, waxaana maamulka Galmudug ay sheegeen in ay ragan bad qabaan xaalkooduna uu hada yahay caadi.
Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in ay maxkamad soo taagi doonaan qaar kamid ah bur cad badeedii ragan xooga ku heesatay oo bada gacanta ugu jira ciidamada amaanka Maamulka Galmudug.