Faahfaahin: Weerarka lagu qaaday Xarunta Otto Otto ee Muqdisho & Saraakiil iyo Shaqaale ku xayiran

Maleeshiyada Alshabaab ee gudaha u gashay xarunta Otto Otto ee ay ku shaqeeyaan Wasaaraha Arrimaha gudaha iyo Amniga ayaa ka dhex dagaalameysa xaruntaasi oo ay ku qaadeen weerar ku bilowday Qarax is-miidaamin ah.

Dabley hubeysan oo ka tirsan  Al-shabaab iyo ciidamadda Amaanka ayaa ku dhex dagaalamaya xilligan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, iyadoo ay xaruntaasi degan yihiin Wasaaradda Amnga iyo Isgaarsiinta Booliiska, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan weerarka socda.

Waxaa weli la maqlayaa rasaas ay weeydaarsanayaan ciidamadda Amaanka iyo kooxda Dhismaha Wasaaradda gudah u gashay, waxaana gudaha xarunta ka dhacay Bam gacmeed ay kooxda Weerka soo qaaday adeegsanayaan.

Waxaa xarunta ku xayiran saraakiil iyo shaqaale ku sugnaa xarunta Otto Otto, iyadoo  wararka qaarkood ay sheegayaan in shaqaale ka tirsanaa wasaaradaha halkaasi ku shaqeeya ay iska tuureen dabaqa ayna geeriyooda laba ka mida.

Dad dhintay iyo kuwo dhaawac ah ayaa laga soo saarayaa  dhismaha la weerarray oo ciidamdu ay xireen. Wararkii ugu horeeyay aya sheegay in 8 qof ay ku dhinteen iyadoo dhaawacu ka badan yahay 16 u badan shaqaale iyo ciidamadii ku sugnaa albaabka hore ee Xarunta.