Wararka ka imaanaya Koofurta Mudug ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay isku fidiyeen deegaano hor leh, iyadoo la wareegay deegaanka Baraag oo ay shalay kula dagaalameen maleeshiyaadka deegaanka.
Dagaalada ka socday labadii maalmood ee la soo dhaafay deegaanada Koofurta Mudug ayaa waxaa uu u muuqdaa in Al-Shabaab ay ku gacan sareeyaan, kaddib markii ay gurmadyo ciidan heleen.
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gubeen guryo ku yaall deegaanada lagu dagaalamay, lana wareegeen agabyo kala duwan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka deegaanka aanay helin wax gurmad ah, taas ayaa keentay inay isaga soo barakacaan deegaanadii lagu dagaalamay labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Dadka deegaanka ayaa isaga barakacay deegaanada Caad, Camaara, Baraag iyo tuulooyin kale, waxaana ay u barakaceen degmada Hobyo.
Dagaalada ka dhacaya deegaanada Koofurta Mudug ayaa ahaa kii u horeeyay ee dadka deegaanka kala hor-tagaan Al-Shabaab.