War Qoraal ah oo ka soo baxay Agaasimaha Madaxtooyada Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan ayaa lagu beeniyey in Cabdullaahi Xaashi Faarax (Roob da’ay) uu yahay Afhayeenka Maamulka Galmudug.
Warka qoraalka ayaa loo cuskaday warqad xilka qaadis Afhayeenka maamulka Galmudug taas oo soo baxday 2-Bishii May ee Sanadkaan taas oo lagu sheegayey in xilkii looga qaaday Afhayeenkii Maamulka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Faarax (Roob da’ay).
Sidoo kale waxaa Warqada wareegatada ee soo baxday 2-Bishii May ee Sanadkaan ku qoran in xilka qaadista Afhayeenkii Galmudug ay ku timid xil gudasho la’aan iyo go’aan wadatashi l’aan la gaara,sidaas daraadeedna booskaas uu metelayo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cusmaan Cabdulle(Beereey).
Arrintaan ayaa timid kadib markii shalay Muqdisho Saacado kooban lagu xiray Cabdullaahi Xaashi faarax(Roob Da’ay) isaga oo muuqaal uu soo duubay ku sheegay in Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya ay kula dhaqmeyn falal anshaxdarro.
Hoos Ka Akhriso Wareegtadii ay ku cadeeyeen in horay xilkii looga qaaday Afhayeenkii Maamulka Galmudug Cabdullaahi Xaashi (Roob da’ay)