Ciidamada booliska Gal-mudug ayaa howlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Ceel Huur oo 50 Km kaga beegan dhinaca koonfureed degmada Hobyo, Waxay ku soo furteen 8 Shaqaale ah oo u dhashay dalka Hindia kuwaasoo la socday Markab ay dhawaan qabsadeen Kooxaha burcad badeed ah,
Wararka ayaa sheegaya in iska horimaad kooban oo dhaxmaray ciidamada Galmudug iyo kooxihii afduubayaasha ahaa kadib lagu guulaystay in la badbaadiyo shaqaalihii doonta lagala soo dagay,
Sarkaal u hadlay ciidamada Gal-mudug ayaa Warbaahinta u sheegay in ay dardar galin doonaan howlgalada lagu bur burinayo Burcad badeeda oo mudooyinkii u danbeeyay dar dar xoog leh la soo baxay,
©Goobsan Media