Maanta oo taariikhdu tahay 12/04/2017 arbaco waxaa lagu wadaa in magaalada muqdisho uu wada hadal ku dhex maro maamul goboleedka Galmudug iyo maamulka Ahlu-suna wada hadalkan ayaa imaanaya ayadoo lagu wado in maamulka Ahlu-suna lagu biiriyo maamulka Galmudug.
Dowladda Federalka ayaa u muuqata mid isku howleysa sidii Gobolada dhexe looga bixin lahaa siyaasadaha is diidan ayadoona ay si dhab ah ugu xusul duubeysa maamul midaysan oo loo dhanyahay inuu meeshaas kasoo baxo ayadoona kulankan garwadeen ka ah.
Galmudug waxaa wada hadalada u matalaya Madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabey, halka dhanka kooxda Ahlu suna uu hoggaaminayo Madaxweynaha kooxdaasi Sheekh Maxamed Shaakir.
Wada hadaladan ayaa soconaya mudo 5 maalmood ah waxaa la doonayaa in xal looga gaaro kala aragti duwanaashaha Galmudug iyo Ahlu Sunna, waxaana hadii wada hadalada guul ku dhamaadaan labada dhinac isku diyaarinayaan doorashada Madxaweynaha Galmudug oo 30ka bishan dhaceysa.
Kooxda Ahlu Sunna ayaa u muuqata hada mid ku qanacsan in ay qeyb ka noqoto maamulka Galmudug ay hore u diiday in ay ku biirto ama la hadashao, waxa ayna Maamulka Ahlu Sunna ay si weyn uga soo horjeedeen C/Kariin Guuleed oo Madaxweyne ka ahaa maamulkaasi.