Masuul ka tirsan dowladda oo diiday inuu xilka wareejiyo

Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa shaqo ka fariisin ku sameeyay agaasimihii wasaarada warfaafinta dowladda Soomaaliya waxana jira warar sheegaya in masuulkaas uu diiday xil wareejin lagu amray isla markaana Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray warqad uu uga mamnuucayo Agaasimihii wasaarada Warfaaafinta Bahlaawi inuu soo galo xarunta wasaaradaas.
Warqadan uu ku saxiixanyahay Eng C/raxmaan Yariisow aya lagu sheegay in la farayo ciidamada ilaalada wasaarada ineysan u ogolaanin agaaismihi la fariisiyey inu soo galo gudaha wasarada inta baaritaanka socda.
Bahlaawi oo wararka sheegayeen inuu diiday inuu wareejiyo xafiiska ayaa warqada  la soo saaray waxaa loogu diidayaa inuu gudaha ugalo wasaarada Warfaafinta xafiiskeeda.

Halkan ka aqri cadaynta warqadda.