Banaan bax ka socda Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Banaanbax ballaaran oo ay waddaan gaadiidleyda ka shaqeysta mootada loo yaqaano Bajaajta.

Koox dhalinyaro ah ayaa la sheegay in ay hakadgeliyeen isu socodka gaadiidka ee agagaarka isgoyska KM4 kadib markii ay halkaasi dibad-bax u xirteen darawallada Mooto Bajaajta.

Qaar ka mid ah Bajajajleyda ayaa waxa ay sheegeen in ay cabasho xooggan ka muujinayaan xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho,iyagoo sheegay in ciidamada aysan fulin Amarkii Madaxweynaha ee ahaa in wadooyinka la furo, laakiin subixii ay furaan galabtiina ay xiraan.

Qaar ka mid ah Darawadda ayaa Warbaahinta u sheegay in sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Ammaanka ay toogteen dhowr Mooto Bajaajle.

Wadooyinka Muqdisho ayaa Maalmahii lasoo dhaafay si aan horay loo arkin u xirnaa waxaana ay Saameyn balaaran ku yeelatay Ganacsiga Suuqa Bakaaraha iyo Guud ahaan dadka ka Shaqaysta Bakaaraha haba usii darnaadeen dadka Dan yarta ah ee Xamaaliga usoo aadi jiray Suuqa wayn.

Waxii Kusoo kordha kala soco Warbaahinta Goobsan.