Wadooyinka magaalada muqdisho qaybo ka mid ah oo saakay xiran

Qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa saakay oo Arbaco ah xiran sababo la xiriira xuska maalinta 12-ka Abriil oo ku beegan sanadguuradii 57aad ee ka soo wareegtay asaaskii ciidanka XDS.

Munaasabad weyn iyo dabaaldegyo arrintaas la xiriira ayaa lagu wadaa in lagu qabto xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galaya madaxda sare ee dowlada iyo saraakiil, iyadoo ciidamadu ay gaado ka cayaar iyo dhuulatus weyn ka sameyn doonaan gudaha xarunta wasaaradda Gaashaandhiga.

Farriimo dadka loogu sheegayo in berri la xirayo waddooyinka Muqdisho, shacabkana looga codsanayo inay u dulqaataan ayaa caawa laga sii deynayey warbaahinta dowlada.

Ardayda Jaamacadaha iyo iskuulada badankood ayaa la fasaxay maanta maadaama socodka gaadiidku ciriiri galayo, iyadoo ciidamada dowlada isla xalayba ay xireen meelo ka mid ah magaalada.

Wadooyinka ka baxa madaxtooyada Somalia, wadada dheer ee warshadaha iyo wadooyin kale oo ku yaalla bartamaha magaalada ayaa ah kuwa xiran munaasabadan si loo xoojiyo amaanka.

Xuska munaasabada maalinta 12ka Abriil ee sanadlkan ayaa ku soo beegantay xili amaanka magaalada Muqdisho uu noqday bilahan mid faraha ka sii baxaya, ayna soo bateen qaraxyada iyo dilalka, iyadoo dhinaca kale taliyeyaasha ciidamada lagu sameeyey isbedel xoog leh.