Shabaab oo dilay 6 ruux oo ganacsato ah dabna qabadsiiyay gaadiid xamuul ah

Xarrakada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay toogasho ku dileen Lix ruux oo ganacsatado ah iyaga oo dhinaca kalana gubay 11 gaadiid xamuul ah oo ka anbabaxay magalada Beledweyne kuna sii jeeday degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Gaadiidkan oo markii hore ka anbabaxay magaalada Beledweyne iyaga oo ganacsi kala duwan geeyay degmada Xudur, hasse ahaatee markii ay dib uga soo laabteen xoogagga ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen weerar dhabo-gal ah xili ay marayeen inta u dhaxeysa Xudur iyo deegaanka Qurac Joome.

Labo ka mid ah gadiidka waddada loo galay ayaa iyaga oo badqaba soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halka 11 kale oo ay wada socdeen dab qabadsiiyeen Al-shabaab.

Lixda ruux ee la dilay marka laga soo tago dadkii kala ee la socday gadiidkan xamuulka ah ayaa la sheegay in u firxadeen dhulka howdka ah ee ka agdhaw halka uu weerarku ka dhacay.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa cambaareeyay falkan, iyaga oo sheegay in Al-shabaab ay bartilmaameedsadeen dad rayid ah.