Weerar lagu qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Weerarkaan ayaa ku bilawday Bam lagu tuuray Fariisin Ciidamada Dowladda ee Ilaalada ka ah Wasaaradda Gaashaandhigga ku leeyihiin Ceelka Tusbaxle oo Xarunta ka xiga Dhanka Kulliyadda Jaalle Siyaad.

Goob joogayaal ayaa goobsan Media u sheegay in Kooxo Hubeysan ay Bambaanooyin ku tuureen Kontoroolka laga galo iridda Koowaad ee Wasaaradda Gaashaandhiga, Waxaana xigtay rasaas xoogan oo laga maqlay Goobta.

Goob Joogayaal ayaa sidoo kale soo sheegaya in dhowr Bam lagu tuuray marka la dhaafo halka loo Yaqaano Ceel Tusbaxle, Waxaana ku yaalla Goob Baaritaan oo lagu hubiyo Gaadiid iyo dadka galaya Dhismaha Xarunta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

Saraakiil katirsan laamaha amniga ayaa qiray in Qaraxyada kadib ay xigeen rasaas ay isweydaarsadeen Ciidankii ku sugnaa Goobta iyo dableydii weerarka soo qaaday, Warar  soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro Khasaare kala duwan oo ka dhashay weerarka waloow aan xaqiiqdiisa la heyn.

Xarunta la weeraray ee Wasaarada Gaashaandhiga waxaa horay saldhig ay ugu eheyd Madaxweyne Farmaajo, waloow uu isaga soo guuray markii la xalliyay Khilaafkii ka dhashay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cismaan Jawaari.