Meydad Laga Helay Deegaanka Tukaraq Iyo Khasaaraha dagaalkii Shalay oo Sii Kordhay

Wararka laga helayo deegaanka tukaraq ee gobalka Sool ayaa sheegaya in maanta halkaasi laga helay meydad hor leh oo ku dhintay dagaalkii shalay dhax maray maamulka Puntland iyo Soomaaliland.

Goobjooge ku sugan deegaanka Tukaraq ayaa Warbaahinta Goobsan u xaqiijiyay in maanta ay ku arkeen goobihii shalay lagu dagaalamay meelo aan sidaa kaga fogeen ilaa 12 ruux oo meyd ah, balse aysan kala garan Karin meydadkaasi ciidamada ay yihiin Somaliland ama Puntland.

Waxaa saacadba saacada ka danbeysa isoo taraya tirada rasmiga dadkii ku dhintay dagaal qaraar oo shalay dhax maray ciidamo katirsan maamulka Somaliland iyo kan maamul gobaleedka Puntland.

Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya jiida hore ee dagaalka Tukaraq ayaa ku waramaya in wali labada dhinac ay sameynayaan dhaq dhaqaaqyo xoogan, balse waxaa la ogeen halka ay wax kusii danbeyn doonaan ama in dagaal kale uu maanta halkaasi ka qarxo ama in dhaq dhaqaaq un ay wadan.