Diyaarado Dagaal Oo Buufin Doona Magaalada Baladweyne

Waxaa saacado kadib la filayaa in gudaha magaalada Baladweyne ay buufiyaan diyaarado dagaal oo laga leeyahay dowladdaha saaxibada dhaw la ah dowladda Soomaaliya.

Diyaaradaha dagaalka ayaa la sheegay iney tahay ujeedka buufintooda, xili maal mahii ugu danbeeyay dadka ku dhax nool gudaha magaalada Baladweyne iyo deegaanada hoos taga, ay la daala dhacayeen kaneeco fara badan oo ka dhalatay fatahaada wabiga shabeelle uu ka sameeyay gobalka Hiiraan.

Wariyaha ka tirsan idaacada maxaliga Simba Radio ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegay wafdiga uu hogaaminayay gudoomiyaha gobalka Hiiraan ee gaaray magaalada Baladweyne in shacabka ay ku amrayeen iney isaga baxaan, maadaama saacado kadib lagu wado diyaarado dagaal iney sunta kaneecada ku buufiyaan magaalada iyo deegaanada kale oo laga cabsi qabo iney ka dhalato malaariyo tankeeda uu aad u sareey.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdullahi Axmed Maalin oo hogaaminayay wafiga gaaray maanta magaalada Baladweyne ayaa Idaacada Simba u sheegay iney ku guda jiraan samata bixinta dadka wali ku tabaaleysan roobabka fatahaada wabiga shabeelle uu daba socday ee ku dhuftay Gobalka Hiiraan, waxuu gudoomiyaha intaa ku daray iney hada ku sugan yihiin xaafada kooshin ayna kusii jeedaan xaafado kale oo katirsan magaalada Baladweyne ee caasimada gobalka Hiiraan.