Askari ka tirsanaa Ciidamadda Hay’adda Nabadda Sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay Degmadda Waabari ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Maajo.
Sida uu inoo xaqiijiyay mid kamid ah dadka deegaanka kooxo ku hubeysnaa bastooladdo ayaa toogtay askariga oo magaciisa lagu soo koobay Cadaani.
Dilka kadib kooxihii falka fuliyay ayaa goobta si nabad-galyo ah ugu baxsaday,waxaana durbadiiba soo gaaray goobta Ciidamadda amaanka Degmadda Waabari.
Amniga Magaaldda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa faraha ka baxay maalmihii dambe,kadib markii Maleeshiyaadka Daacish iyo Shabaab ay sheegteen dilal dhowr ah oo ka dhacay Magaaladda.
Hay’adaha amaanka ayaa ku celceliyay dhowr jeer in ay wax ka qaban doonaan falalka amniga lidiga ku ah ee ka dhaca magaaladda.