Wararka ka imaanaya Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka muqdisho ayaa ku waramaya in xalay saqdii dhexe Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM ay Madaafiic Isweedaarsadeen.
Dhawaqa Madaafiicda ayaa si weyn loogu maqlay xaafadaha Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka muqdisho.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa markii hore waxa ay tiro Madaafiic ahaa ay ku weerareen Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka, iyadoona AMISOM dhankooda ay ku jawaabeen madaafiic kale.
Lama oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicda ay isweedaarsadeen AMISOM iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.