Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadfda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhinacyada Somaliland iyo Puntland ka dalbaday in ay si nabad ah kuxaliyaan colaada ka dhaxeysa ee la xiriirta xiisada degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka in xilligan lagu guda jiro bil barakeysan bil kheyrsan, sidaasi awgeedna aan loo baahneyn in la daadiyo dhiiga qofka muslimka ah.
“Waxaan rabaa inaan baaq u diro dhinacyada Somaliland iyo Puntland, inay nabad ku xaliyaan wixii khilaaf ah ee ka dhaxeeya, looma baahna in dhiig qof muslim ah la daadiyo, dagaalka cidna kuma macaashto, walaalayaal wixii nabad lagu heli karo yaan colaad loo bedelin.” Ayuu yiri R.W Ku-xigeenka dalka.
Madaxda maamulada Somaliland iyo Puntland ayuu ka dalbaday in ay joojiyaan hadalada xanafta leh ee warbaahinta ay isku marinayaan, taasi oo uu sheegay in ay sii hurineyso colaada.
Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayuu ugu baaqay in ay nabad kala dhexdhigaan dhinacyadan, si loogu wada noolaado nabad iyo barwaaqo.