Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay kalimad cusub oo uu jeediyay hogaamiyaha Shabaab Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeydah.
Amiirka Alshabaab ayaa fariistiisa ku weeraray dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaana cinwaan looga dhigay “Waxaad u maleysaa inay mideysan yihiin, qalbiyadooduna waa kala jeedaan.
Amiirka Shabaab mar uu ka hadlayay Xaaladda dalka ayaa hadaladiisa waxaa kamid ahaa.
“Haddan isdul taagno xaaladda dalka uu marayo, waxaa inoo muuqaneysa in dhowr boqol oo daneystayaal ah, sheegtana inay sharci dajiyeyaal yihiin ay masiirka Umadeena u gacan gelinayaan shisheeye, waa kooxyar oo Allaah ku heysata talada iyo xukunka iyo xaqqa tashriica ee uu la gaarka yahay, waa gole sheydaan dhisay oo si aan kala har lahay ula diriraya u hogaansanka diinteena wanaagsan iyo ku dhaqanka sharciga Allaah” ayuu yiri.
Mar uu soo hadal qaaday Khilaafkii ugu dambeeyey ee hareeyey Madaxda Dowladda ayuu Sheykh Abuu Cubeyda tibaaxay in isqabqabsigaas uu banaanka soo dhigay damaca liita iyo damiir xumada xildhibaanada golaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Dhanka kale hogaamiyaha Shabaab Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeydah ayaa sheegay in Dowladaha Imaraaadka iyo Turky-ga ay yihiin kuwa Cadow ku ah Umadda Soomaaliyeed,islamarkaana ay kusoo duuleen Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay garab istagaan Shabaab,isagoona sheegay in dagaalka ay kula jiran Dowladda uu yahay mid xaq ah.
“Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay waxaa isweydiin mudan, Umad taladeeda iyo dhaqaalaheeda uu gacanta ugu jiro cadowgeeda, sir ka qarsoona uusan jirin, Umad hogaankeedu uu cadowgeedu u dooro, ilaalana u yahay, Umad ciidankeeda uu tababar iyo mushaaraad siinayo cadowgii la rabay inuu dalka ka difaacdo, waxaa isweydiin mudan Umadda uu masiirkeedu majaraha u hayo cadowgeeda”.
Guulaha Dagaal Ee Shabaab.
Hogaamiyaha Al-Shabaab, Sheykh Abuu Cubeyda ayaa sidoo kale soo hadal qaaday guulihii ugu dambeeyey ee ciidamada Shabaab ka soo hoyeen Dagaalka lagula jiro Dowladda iyo Ciidamadda AMISOM, Isagoona tilmaamay in cadowga uu hadda ku go’doonsan yahay xeryaha uu kaga sugan yahay wadanka.