Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed maanta oo Isniin ah waxaa ka furmaya shirka madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo looga hadlayo dhawr ajande.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxeynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne Shariif Xasan oo marti loo yahay.
Dhammaan madaxda maamul goboleedyada ayaa shalay waxa ay gaareen magaalada Baydhabo, marka laga reebo Shariif Xasan oo maalin kahor tagay halkaasi, waxaana shirkan looga hadlayaa siyaasadda Soomaaliya ee xilligan iyo arrimaha amniga.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay walaac ka muujineyso waxa ka soo bixi kara shirkan, maadaama maalmahn uu jiray mad madow u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada.
Kulankan ayaa waxa uu noqonayaa shirkii labaad ee ay yeeshaan Madaxda dowlad goboleedyadda oo ku mideysan dalladda Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda, kadib kulan bishii October 2017-kii ay ku yeesheen magaalada Kismaayo