Holland: 23 Burcad-Baddeed Soomaali ah la soo Masaafuriyay

Intii lagu guda jiray bilihii ugu horeyay ee sanadkan ayaa dalka Netherland waxaa lag soo masaafuriyay 23 Burcad-baddeed Somali ah, kuwaasi oo in mudo ku xirnaa xabsiyo ku yaala dalkaas.

Sida lagu qoray Wargeyska NL Timse ee ka soo baxa dalkaas Netherland. Kooxdan Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inuu Markab Dagaal oo laga leeyahay dalka Holland ka soo qabtay Badda Somalia sannadkii 2012-kii, kooxda ayaa isku dayday in qabsadaan markabkan Ciidamada Ilaalada Bada. taasoo kaliftay in dhamaantood gacanta lagu soo dhigo,

Jannita Robberse, oo ah agaasimaha Waaxda Dib-u-celinta iyo masaafurinta ayaa sheegay in dhamaantood ragan burcada ah  laga soo dib loogu soo celiyay dalkooda,

Dalka Holland ayaa qayb ka ah wadamada  ciidamada usoo diray biyaha Soomaaliya si looga hor tago falal burcad badeednimo oo ka dhacaan Badaha caalamiga.

©Goobsan Media 

Sourece:nltimes