Gudoomiye Yariisow: “Waxaan Ka Shaqeyn La’ Ahay Madax Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in Maamulkiisa uu ka shaqeyn la la’ yahay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya oo dano gaar ah leh.

Waxa uu sheegay in saaxiibo uu la yahay  Xildhibaano,Wasiiro iyo siyaasiyiin, balse ay xili walba buux dhaafiyeen xafiiskiisa,taasina ay meesha ka saarayso shaqooyinkii maamulkiisa u qaban lahaa Shacabka ku nool Gobolka Banaadir.

“Runtii mudo Saddex bilood ah ayay nagu qaatay si aan xal uga gaarno siyaasiyiin,Xildhibaano iyo Wasiiro danley ah oo xafiiskeyga soo buux dhaafiyey una Shaqeyn waayey bulshadii aan madaxda u ahaa laakin hadda xal ayaan ka gaaray oo waqti ayaan u sameeyey”, ayuu yiri guddoomiye Yariisow.